HomeAll newsDagaallo culus oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaallo culus oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in aroornimadii hore ee saaka uu dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Shisheeyaha ee ku sugan degmada Awdheegle.

Dagaalka waxa uu ka dhacay inta u dhexeysa Awdheegle iyo Bariire, waxaana uu ahaa mid culus, oo dhacay waqtiyo isku dhow dhow, taas oo muujineysa xaddiga uu la ekaa.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si adag u wajahaya ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga Soomaaliya, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Inkastoo uu jiro khasaare gaaray Shisheeyaha, hadana lama hayo faafaahin rasmi ah oo ku aadan.

Waxaa sidoo kale xalay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerareen difaac ay ciidamada Shisheeyaha ku leeyihiin deegaanka Nambar 60 ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka waxaa uu aha mid kulul, lamana helin faafaahin dheerri ah oo intan kabadan.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha marti gelinaya howlgallada culus ee lagu beegsanayo Shisheeyaha duulaanka ku jooga wadanka Soomaaliya. waxaana ciidamada Mujaahidiinta ay si joogta ah u weeraraan goobaha ay Shisheeyuhu kaga suganyihiin gobolkan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular