Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, dowladda Itoobiya waxay ku howlantahay dhisida biya xireen ballaaran oo ay ka dhiseyso webiga An-Niil ee mara wadamo dhowr ah oo ay kamid tahay Suudaan, Itoobiya iyo Masar.
Ujeedada Itoobiya ay ka leedahay biya xireenkan ayaa ah iney ka dhaliso koronto baaxad leh oo sare u qaada dhaqaalaha sii burburaya ee wadankaas, waxaana taas bedelkeeda ay dooneysaa iney is hortaagto qul qulka webiga ee gaaraya wadamo ay kamid yihiin Suudaan iyo Masar.
“Anigu aan dhergo, adiguna baahi u dhimo” ayaa ah halheyska dowladda Itoobiya ee laga dhadhamin karo hab dhaqankeeda, inkastoo aaney si toos ah u sheegan, waxaana taas ay keentay in qal qal dhanka biyaha ah laga dareemo wadanka Masar.
Waxaa inta badan guray webiga An-Niil ee soo gaarayay Masar, sawirro iyo muuqaall laga soo duubeyna waxaa lagu arkayay iyadoo webigu uu qalalanyahay dadkuna ay dhexmarayaan.
Waxaa marar badan fashilmey wadahadalo dhexmaray saddexda dowladood, waa Masar, Itoobiya iyo Suudaan, kuwaas oo lagu doonayay in xal waara looga gaaro arinta muranka dhalisay ee biya xireenka An-nahda.
Hadda, wasiirka waraabka iyo biyaha ee dowladda Itoobiya ayaa hadal uu jeediyay wuxuu ku sheegay in dowladda Masar ay ka tanaasushey cabirka biyaha ay dooneysay in sanadkiiba ay ka hesho webiga An-Niil, kaas oo ahaa qulqul la eg 40 bilyan meter saddex jibaaran.
Wuxuu Silshi Baqli oo ah wasiirka waraabka iyo biyaha ee Itoobiya intaas ku daray, in tani ay guul u tahay dowladda Itoobiya.
Sida uu sheegayo wasiirkan, tanaazulkan waxay Masar ku sameysay shirkii sadexaad ee ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Al-Khardhuum.
Dhanka kale, war kasoo baxay dowladda Masar ayay ku beenisay hadalka kasoo yeeray dowladda Itoobiya, waxaana dad badan ay shaki geliyeen beeninta xukuumadda Siisi oo looga bartay iney jah wareeriso bulsha weynta Masar.
Dowladda Itoobiya ayaa ah dowladda hogaamisa dagaallada ka dhanka ah muslimiinta geeska Africa, waxayna howshaas wakiil uga tahay reer galbeedka, hadana waxay dooneysaa in Muslimiinta ay ka dhigto kuwa ay dagaallo ku xasuuqdo iyo kuwa haraad iyo biya la’aan ay u disho.
(Valium)