Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dhacay howlgallo gaar ah oo ay fuliyeen ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo lagu beegsaday askar katirsan Dowladda federaalka.
Rag hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta ayaa xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeenlay waxay ku dileen askari katirsan ciidamada milliteriga dowladda federaalka.
Raggii dilka geystay ayaa goobta uga tagay si nabad geliyo ay ku dheehantahay, waxanaa goor dambe meydka askariga qaaday ciidamo ay saaxiibo ahaayeen.
Sidoo kale, weeraro qaraxyo ah ayaa lagu qaaday bar kontorool oo ay ku sugnaayeen askar katirsan dowladda federaalka, kaas oo ku yaala xaafadda Garasbaalley ee duleedka magaalada Muqdisho.
Lama oga khasaaraha ka dhashey weerarkan qaraxyada ahaa, balse ciidamada dowladda ayaa rasaas jihooyinka u riday qaraxyada kadib, taas oo muujineysay cabsida ay dareemayeen.
Weeraradan ayaa kusoo aadaya iyadoo aroornimadii hore ee maanta oo Talaado ah, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen kontorool ku yaala degmada Balcad ee Shabeellaha dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda federaalka.
Weerarkaas tooska ah waxaa lagu dilay 3 askari, halka laga soo furtey hubkii ay ku dagaallamayeen oo ahaa qoriyaal iyo booshashkooda.
Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii kordhiyay weerarada ay ka fulinayaan goobaha ay Shisheeyaha iyo ciidamada dowladda kaga suganyihiin gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.