
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka waxay weerar culus ku qaadeen ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka oo ku sugnaa bar kontorool oo laga galo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Weerarka oo ahaa mid qorsheysan, kedisna ku ahaa ciidamada dowladda ayaa looga gol roonaaday, waxaana ciidamada Mujaahidiinta ay si kooban gacanta ugu dhigeen barta kontorool.
Ugu yaraan 3 askari oo katirsan ciidamada dowladda federaalka ayaa goobta la dhigay meydadkooda, iyadoo laga furtey hubkii ay ku dagaallamayeen oo ahaa qoriyaal AK 47 ah iyo booshashkooda.
Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa markii ay ku guuleysteen howlgalkooda waxay dib ugu laabteen halkii ay kasoo duulaan tageen.
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhiga Hiil weyne oo ay deganyihiin ciidamo katirsn dowladda federaalka, halkaasna waxay Mujaahidiintu ku dileen tiro askar ah, iyagoona ku furtey hub ciidan.
(Ambien)