Bayaankan oo ku qornaa luuqada English-ka, kuna saxiixanyahay Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa lagu faah-faahiyey weerarkii weynaa ee Nafood huriyaal katirsan Mujaahidiinta ay ku qaadeen Hotelka SYL ee ku yaala kasoo horjeeda xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, amaankiisana aad loo ilaaliyo.
Wuxuu bayaanku u billowday “Maalintii Talaadada oo taariikhdu ku beegneyd 13 Rabiicu-Thaani 1441H, oo waafaqsaneyd 10/12/2019-ka, dagaalyahano Mujaahidiin ah oo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qaaday weerar beegsanayey xubno ka tirsan murtadiinta oo ku sugnaa Hotelka aadka loo ilaaliyo ee SYL ee ku yaalla magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri bayaanka.
War Saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in weerarka uu dhacay 12-kii maqribnimo iyo qadar 40 daqiiqo oo ah maalintii Talaadada, xilligaas oo dagaalyahanno Naftood huriyaal ah ay xoog ku galeen dhismaha Hotelka, halkaas oo ay ka billaabeen toogasho ay ku dileen xubnhii hadafka ahaa ee joogay hotelka.
“ka dib markii ay laayeen ilaaladii joogtay ilinka hore ee dhismaha, waxay Mujaahidiintu durbadiiba u sii gudbeen qeybaha uu ka koobnaa dabaqa si ay u baacsadaan saraakiishii dowlada ee ku dhuumaaleysanayey gudaha. Maleeshiyaatka murtadiinta ayaa sameeyey dadaallo naf la caarinimo ah si ay usoo afjaraan weerarka balse dadaaladaas ayaa ku soo idlaaday rajo beel, waxayna soo qaadeen ugu yaraan 6 weerar oo ay ku doonayeen inay ku qabsadaan dhismaha hotelka, balse waxay la kulmeen khasaare xoogan” ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaanka oo sii socda ayaa lagu yiri: “howlgalka toogashada oo socday muddo 8 saacadood oo xiriir ah ayaa kusoo idlaaday dhimashada ugu yaraan 25 kamid ah murtadiinta oo isugu jira saraakiil sarsare, xubno ka tirsan military-ga, Police-ka, ilaalada madaxtooyada, shaqaalaha dowlada iyo jawaasiista dharcadka ah ee ridada. Kala bar khasaarahan wuxuu soo gaaray maleeshiyaatka uu soo tababaray Turkiga kuwaas oo laga dilay ugu yaraan 13 askari xilli ay isku dayayeen inay soo afjaraan weerarka. Sidoo Ugu yaraan 39 kale kamid ah cadowga ayaa ku dhaawacmay weerarka kuwaas oo ay ku jiraan waziiro hore, xildhibaano iyo saraakiil amni”.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ugu dambeyntii wacad ku martay inay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah dowladda federaalka iyo Shisheeyaha duulaanka ku jooga wadanka, ilaa inta laga xureyayo dalkan Muslimka ah, shareecaduna noqoneyso mida ka talisa guud ahaan wadanka.
“Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ballan qaadeysaa inay sii wado doonto howlgalada ay ku beegsaneyso xukuumada ridada iyo xulifadooda saliibiyiinta ilaa inta laga xureynayo dalka Muslimka ah ee Soomaaliya ee ku hoosjira gumeysiga Shisheeyaha, Shareecada Allaahna si dhameystiran loo hirgelinayo”
Bayaankan kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuna saxiixanyahay Sheekh Cabdil Caziiz Abuu Muscab, Afhayeenka ciidamada Mujaahidiinta, ayaa imaanaya iyadoo weerarkii hotelka SYL uu markale banaanka soo dhigay habacsanaanta amni ee laamaha dowladda federaalka, iyo awoodda ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo iyagoo Allaah kaashanaya ka gudbaya goobaha ugu adag ee amaankooda sida adag loo ilaaliyo.
Madaxda dowladda iyo saraakiisha ciidamada ee qaabilsan amaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa hadda lasoo warinayaa iney madaxa iskula jiraan, waxaana lagu jah wareersanyahay halka ay kasoo baxeen ciidamadii Nafood huriyaasha ahaa ee weeraray hotelka SYL, iyadoo la ogyahay in inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho iyo xitaa jid cadayaasha ay u xiranyihiin ciidamada dowladda federaalka.