HomeAll news9 Kenyaati ah Oo lagu dilay dhulka NFD ee Soomaaliyeed.

9 Kenyaati ah Oo lagu dilay dhulka NFD ee Soomaaliyeed.

Wararka ka imaanaya dhulka NFD ee ku jira gacanta dowladda Kenya ayaa ku waramaya in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab saacadihii lasoo dhaafay ay fuliyeen howlgal gaar ah oo dhaliyay khasaare badan.

Gobolka Gaarisa oo kamid ah NFD ayay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo ay ku beegsadeen muwaadiniin Kenyaati Nasaaro ah oo kamid ah dadka xooga lagu dejiyay dhulka Soomaaliyeed.

Howlgalka wuxuu si gaar ah kaga dhacay deegaan lagu magacaabo Harbul oo hoos yimaada Gaarisa, waxaana lagu dilay ugu yaraan 9 ruux oo Kenyaati ah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda howlgalkan lagu dilay dadkan Kenyaatiga ah, waxaana war kasoo baxay Mujahaidiinta lagu yiri:-

“”9 qof saliibiyiin Kenyaan ah kana mid ahaa shaqaalaha dowladda Kenya ayaa ku dhitay weerar mujaahidiintu ka fuliyeen tuulada Harbuul oo qiyaastii 53 KM ujirta magaalada Gaarisa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakda Mujaahidiinta Al Shabaab

Dhawaan ayay ahayd, markii ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dhexda u galeen gaari bas ah oo ay saarnaayeen dad Kenyaati ah, kaas oo yimid magaalada Nairoobi kuna sii jeeday Wajeer, halkaasna ay ku dileen ugu yarana 10 qof oo markii dambe la ogaaday iney ahaayeen saraakiil katirsan Police-ka Kenya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular