HomeAll newsXeer Ilaaliyihii guud ee Dowladda Federaalka Oo xilka Laga Casilay.

Xeer Ilaaliyihii guud ee Dowladda Federaalka Oo xilka Laga Casilay.

Madaxweynaha dowladda federaalka Maxa’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilkii ka casilay Xeer ilaaliyihii guud ee dowladda ninka lagu magacaabo Axmed Cali Daahir.

War rasmi ah oo kasoo baxay Farmaajo ayaa lagu sheegay in Axmed Cali Daahir laga qaaday xilkii Xeer ilaalinta ee uu hayay tan iyo dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa xilkaas uu Farmaajo u magacaabay nin lagu magacaabo Suleymaan Max’med Maxamuud oo la sheegayo inuu kamid yahay dadka daacadda u ah Farmaajo, isagana uu wato.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in Axmed Cali Daahir xilka laga qaado, balse waxaa mudooyinkii u dambeeyey jiray khilaafaad xoogan oo u dhexeeyay Xeer ilaalinta dowladda iyo Maxkmada sare.

Axmed Daahir ayaa horey uga mid ahaa maamulka Itoobiya u qaabilsan dhulka Soomaali galbeed, waana qof ay aad ugu weyntahay dowladda Itoobiya iyo nidaamka ka jira.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular