
Ciidamo katirsan kuwa dowladda Kenya ayaa waxaa qarax lagula eegtay deegaanno katirsan dhulka NFD ee ku jira gumeysiga dowladda Kenya.
Gaari Taw ah oo ay saarnaayeen askar Kenyaati ah, islamarkaana marayay nawaaxiga deegaanka Katuula ee gobolka Mandheera ayaa qarax culus lala helay.
Gaariga ayaa goobta ku basbeeley, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday askartii saarneyd.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka qarax ah ee ka dhacay dhulka NFD laguna weeraray ciidamada Kenya.