Wadanka Norway waxaa ka dhacday arin murugo leh, taas oo taabaneysa shucuurta balaayiin ruux oo Muslimiinta Caalamka kamid ah.
Gaal ku caan baxay neceybka Islaamka iyo Muslimiinta, kana soo jeeda garabka midig ee Xagjiriinta neceb Islaamka, ayaa kitaabka Qur’aanka Kariimka u geystay xadgudub ay ka dhiidhiyeen Muslimiinta.
Ninkan oo madax ka ah urur loogu magacdaray ” Joojiya Islaameynta Norway” ayaa isaga iyo kooxdiisa waxay isku soo bax ka dhigeen magaalada Christiyand ee Norway, waxaana ay damacsanaayeen iney gubaan kitaabka Qur’aanka Kariimka.
Balse waxaa banaanbax kaga horyimid dad Muslimiin ah, kuwaas oo diiday in kitaabka Qur’aanka la gubo, waxaana goordambe Police-ku ay kala eryeen dadkii bananabaxyada dhigayay.
Ninkan cunsuriga ah ayaa markii dambe wuxuu kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ku tuuray meel qashin qub ah, taas oo dhalisay carada Muslimiinta.
Ninkii tallaabadaas qaaday ayaa hadda ah xur, mana jiro cid wax u raacatay, waxaana arintani ka carooday Muslimiinta Norway.