
Bayaan ay baahisay mu’assasada warbaahineed ee Az-zallaaqa oo ku hadasha afka Jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay wadanka Maali lagu soo furtay maxaabiis badan oo u xirnaa xukuumadda Maali.
Bayaanka waxaa lagu sheegay in 14-kii bishan Rabiicul Awal sanadka 1441-da hijriyada, guutooyin katirsan Nusratul Islaam wal Muslimiin ay weerar ku qaadeen xabsiga Aribanda ee dhaca koonfurta magaalada Tambaktu ee Maali.
Waxay Mujaahidiinta Nusratul Islaam soo furteen tobanaan maxaabiis ah oo katirsanaa Jamaacada, kuwaas oo la qabtay iyagoo fulinaya howlgallo Jihaadi ah.
Bayaanka Nusratul Islaam wal Muslimiin kasoo baxay waxaa lagu sheegay in howlgalkan la qaadya iyadoo la fulinayo amarka Rasuulka Sallaahu caleyhi Wasallam ee ahaa ” soo furta Maxaabiista”.
Ugu dambeyntii waxaa bayaanka fariin loogu diray maxaabiista kale ee weli ku jira gacanta xukuumadda Maali iyo Faransiiska, waxaana loo sheegay in sii deysmadooda ay tahay deyn lagu leeyahay Mujaahidiinta.
Arintan ayaa aad looga hadal hayaa wadamada Muslimiinta, gaar ahaan Maali.