HomeAll newsGudoomiye iyo ku xigeenkiisa Oo lagu dilay Weerar ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Gudoomiye iyo ku xigeenkiisa Oo lagu dilay Weerar ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weerar qorsheysan ka fuliyeen tuulo lagu magacaabo Cadeyga oo hoostagta deegaanka Qalimow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan waxaa si gaar ah loogu beegsaday maamulkii tuulada u qaalbisanaa Hir Shabeelle, waxaana goobta lagu dilay gudoomiyihii Cadeyga iyo ku xigeenkiisa.

Tuulada waxaa ku sugnaa ciidamo katirsan maamulka Hir Shabeelle, balse waxaa ka awood roonaaday ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Goordambe ayay ciidamada Mujaahidiinta isaga soo baxeen Cadeyga, kadib markii ay ku guuleysteen fulinta howlgalkooda.

Maamulka Hir Shabeelle weli kama hadlin dilka masuuliyiintan loogu geystay tuulada Cadeyga, balse Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa masuuliyadda dilkaas si buuxda u sheegatay.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular