Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa ku waramaya inuu dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidamo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo askar katirsan ciidamada dowladda federaalka ee jooga qeybo kamid ah gobolkaas.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Daar oo qiyaastii 30KM u jira degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana khasaare lagu gaarsiiyay ciidanka dowladda federaalka.
Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Idaacadda Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in weerarkaas lagu dilay 4 askari oo katirsan ciidamada dowladda federaalka, iyadoona laga furtay ugu yaraan 4 qori.
Dhacdadan ayaa laga hadal hayaa gobolka Gedo, gaar ahaan magaalada Baardheere, waxaana la anfariirsan askarta dowladda federaalka iyo Shisheeyaha magaalada jooga.