HomeAll newsCiidamada Dowladda Federaalka Oo lagu weeraray Bariire.

Ciidamada Dowladda Federaalka Oo lagu weeraray Bariire.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ballaaran ku qaaday difaacyada askarta dowladda federaalka ay ku leeyihiin deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaal dhowr jiho laga qaaday ayaa saqdii dhexe ee xalay ciidamada Mujaahidiinta ku mireen askarta dowladda, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hub cul culus.

Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa u suuragashey iney ka dagaallamaan afaafka hore ee difaacyada askarta dowladda federaalka.

Goobjoogayaal farakutiris ah oo ku sugan Bariire waxay soo sheegeen iney maqlayeen qeyla dhaanta askarta dowladda federaalka, markii ay difaacyadooda ku hoobaneysay rasaasta ay ridayeen ciidamada Mujaahidiinta.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular