Rag hubeysan ayaa deegaanka Ceelasha biyaha waxay ku toogteen sarkaal katirsan dowladda federaalka.
Sarkaalka ayaa rasaasta waxaa lagala helay qeybaha sare ee jirkiisa, taas oo keentay in durba uu halkaas ku quur baxo.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay iney arkayeen sarkaalka oo dhowr rasaas ah lagu dhuftay, islamarkaana raggii dilka geystay ay goobta isaga tageen.
Raga dilka geystay waxay sarkaalka ay dileen ka qaateen gaari nooca raaxada ah oo uu watay.
Goor dambe waxaa goobta uu dilka ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsna dowladda federaalka, oo qaaday meydka sarkaalka la dilay.
Muqdisho iyo deegaannada u dhow waxaa joogta ka ah howlgallada lagu ugaarsanayo ciidamada dowladda federaalka iyo saraakiishooda.