HomeAll newsSarkaal Ka Tirsanaa Dowladdii Kacaanka oo Is Dul Taag Ku Sameeyay Weerarkii...

Sarkaal Ka Tirsanaa Dowladdii Kacaanka oo Is Dul Taag Ku Sameeyay Weerarkii BALLIDOOGLE. (Dhageyso)

Mid kamid ah saraakiishii hore ee Soomaaliya ayaa qiimeyn ku sameeyay weerarkii cuslaa ee ay shalay Xarakada Al-Shabaab ku qaaday xerada Ballidoogle oo muddo dhowr sano ka hor ay qabsadeen ciidamada Mareykanka.

Col. C/qaadir Axmad Nuur, oo muddo dheer kasoo mid ahaa saraakiishii dowladdii kaligii taliye Maxamad SIyaad, ayaa sheegay in weerarka Ballidoogle uu ku qiimeysan yahay in dharbaaxo adag oo farriin wadata loo diray Mareykanka.

Wuxuu sheegay in Mareykanka aan looga baran inuu xaqiiqda ka sheego wixii gaara isagoo tusaale usoo qaatay dagaalkii Unisom, ee Muqdisho ka dhacay horraantii 90-kii, iyo sida uu uga been sheegay khasaarihii gaaray.

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay maktabka war-faahinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkii Ballidoogle lagu dilay 121 Mareykan ah, tobannaan Yahuud ah iyo 40 qandaraaslayaal ajaanib ah.

Kolaneylka ayaa sheegay in hal qarni kadib markii ugu horreysay ay tahay in Soomaaliya hal goob lagu dilo tiro intan la eg oo ajaanib caddaan ah, isagoo sheegay in dagaalkii ay Daraawiishtu ku dileen Corfil, uu ugu dambeeyay mid cadaan badan lagu laayo.

Sidoo kale wuxuu is barbardhig ku sameeyay ciidanka Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Mareykanka, wuxuuna farqiga u dhaxeeya ku tilmaamay inuu yahay askar geerida oggol iyo kuwa geerida ka baqaya.

Ugu dmabeyn wuxuu xusay in awooda Mareykanka ay kusoo uruurtay diyaarado wax tuura, balse wuxuu shaaca ka qaaday in diyaaraddu aaney dhul xoreyn sida macruufka ah, taasoo ka dhigan in Mareykanka looga adkaan doono Soomaaliya sida Afganistaan ka socota oo kale.

Halkan Ka Degso Wareysiga Col C qaadir Axmad Nuur Ballidoogle

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular