Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii xalay ka dhacay qarax xoogan oo lala eegtay askar katirsan ciidamada dowladda federaalka oo joogay mid kamid ah degmooyinka caasimadda.
Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa uu ka dhacay goob ay ku sugnaayeen askarta dowladda federaalka oo ku taalla xaafadda Warshadda Caanaha ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Durba waxaa goobta ku geeriyooday 3 askari oo katirsan ciidamada dowladda federaalka, kuwaas oo ay meydadkooda goor dambe qaadeen askar ay saaxiibo ahaayeen.
Qaraxa kadib, ciidamadii ka badbaaday weerarka ayaa rasaas jihooyinka u riday, taas oo ka tarjumeysay baqdinta ay dareemayeen.
Muqdisho waxaa si joogta ah uga dhaca howlgallada kala duwan ee ay fulineyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuna beegsaneyso ciidamada, saraakiisha iyo masuuliyiinta dowladda federaalka.