HomeAll newsQarax Askar ay ku dhinteen oo ka dhacay Ceel Saliini.

Qarax Askar ay ku dhinteen oo ka dhacay Ceel Saliini.

Qarax xoogan ayaa saacado kahor ka dhacay deegaanka Ceel Saliini ee u dhow magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose, kaas oo ay ku dhinteen ciidamo katirsan dowladda federaalka.

Ugu yaraan 5 askari oo katirsan ciidamada dowladda federaalka ayaa durba goobta ku quur baxay, waxaana dhaawacmey 7 kale.

Qaraxa waxaa jugtiisa si weyn looga maqlay deegaanka, waxaana ciidamada dowladda ay rasaas u rideen dhinacyada.

Dhawaan ayaa ciidamada dowladda ee jooga Ceel Saliini waxaa lagu garaacay duqeymo culus, taas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 7 askari.

Waxaa kasii horeeyey weerar xoogan oo lagu bilaabay camaliyad Nafhurnimo ah, kaas oo lagu dilay ciidamo aad u badan oo katirsan kuwa dowladda federaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular