HomeAll newsMuslimiin lagu dilay magaalada Mombasa.

Muslimiin lagu dilay magaalada Mombasa.

Ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa qaabilsan waxa loogu yeero la dagaalanka Argagaxisada ayaa toogtay dhowr qof oo muslimiin ah, kuwaas oo kamid ah dadka degan magaala xeebeedka Mombasa.

Dad ku sugan magaalada Mombasa ayaa sheegay in ciidamo Kenyaati ah oo afka soo duubtay ay soo weerareen guri ku yaala xaafadda Likoni ee Mombsa, ayna toogteen ugu yaraan 6 ruux oo ahaa dad shacab ah oo ku sugnaa guriga la weeraray.

Weerarka gumaadka ah kadib, waxaa jiray ciidamo kale oo howlgallo raaf ah ka sameeyay xaafadda, kuwaas oo qab qabtay qaar kamid ah dadka magaalada.

Ciidamada Kenya, waaxda qaabilsan waxa loogu yeero la dagaalanka Argagaxisada ayaa fulisa howlgallo gumaad ah oo aysan jirin cid wax iska weydiiin karta, kuwaas oo ay ku dilaan dadka muslimiinta ah, gaar ahaan hormuudka bulshada sida Culimada diinta Islaamka.

Waxaa jiray dilal hore oo ay ciidamada Kenya u geysteen culimo caan ka ah wadanka Kenya, waxaa kamid ah Sheekh Cabuud Rogo, Shariif Makaburi iyo Samiir Khaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular