
Falanqeeyaha Arimaha siyaasadda, xubinna ka ah hay’adda Warfaafinta maamulka Yahuudda Shamcoon Aaraan ayaa shaaca ka qaaday in wafdi ka socda maamulka Yahuudda uu wadanka Al-Baxreyn kaga qeybgeli doono kulan looga hadlayo amaanka biyaha Khaliijka.
Aaraan ayaa sheegay in xubnaha ka qeybgalaya kulanka ee matalaya Yahuudda ay ka socdaan wasaaradda arimaha dibadda, islamarkaana ay heleen marti qaad rasmi ah oo ku aadan ka qeybgalka shirkaas, oo ay garwadeen ka tahay dowladda Maraykanka.
Shirka oo furmaya maanta oo Isniin ah, illaa iyo Talaadana soconayaa, sida uu sheegay ninkan Yahuudiga ah ayaa looga hadli doonaa sidii la isaga kaashan lahaa difaaca biyaha Khaliifjka, iyo in marakiibta ganacsi ee maraya ay si nabad geliyo ah ku maraan oo aaney la kulmin weeraro.
Falanqeyayaasha maamulka Yahuudda ayaa ka qeybgalka wafdi iyaga ka socda shir ka dhacaya Khaliijka u arka tallaabo lagu xoojinayo cilaaqaadka maamulka Yahuuddu la leeyahay dowladaha carbeed ee ka jira Khaliijka.