HomeAll newsInkabadan 30 Ruux oo ku dhintay shil ka dhacay Magaalada Madiina.

Inkabadan 30 Ruux oo ku dhintay shil ka dhacay Magaalada Madiina.

Wararka ka imaanaya dhulka xurmada leh ee Xarameynka ayaa sheegaya in shil gaari uu sababay dhimasahda dad aad u badan oo cumro u joogay halkaas.

Shilka ayaa ka dhacay magaalada Madiinatul Munawara, waxaana dhintay ugu yaraan 35 ruux, halka ay dhaawcameen tiro kale.

Wakaaladda wararka ee maamulka Aala-Sucuud ayaa baahisay warka la xiriira shilka, iyadoo soo xiganeysa saraakiil katirsan amaanka magaalada Madiinatul Munawara.

Dadka dhintay dhamaantooda waxay ahaayeed dad cumreysanayay, waxaana ay kasoo jeedaan wadamo carbeed iyo kuwa dhaca qaaradda Asia.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular