Magaalada Muqdisho, waxaa habeenkii xalay ka dhacay howlgallo qorsheysan oo lagu khaarijiyay saraakiil iyo askar katirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda federaalka.
Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho waxay ku toogteen sarkaal laba xidigle ah oo lagu magacaabo Maxamed Cusmaan Calasow.
Markii uu dilka ka dhacay kadib, waxaa goobta si nabadi ku dheehantahay uga dhaqaaqey raggii dilka fuliyay, meydka sarkaalkana waxaa goordambe qaaday ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka.
Sidoo kale, degmada Waaberi ee gobolka Banaadir waxaa ka dhacay howlgal qorsheysan oo lagu dilay ciidamo dhar cad ah oo katirsan sirdoonka dowladda federaalka.
Ugu yaraan 3 xubnood oo katirsanaa Sirdoonka dowladda federaalka ayaa rag katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku dileen mid kamid ah xaafadaha degmada Waaberi.
3 Bastoolad oo ay wateen saddexda nin ee la dilay ayaa waxaa ka furtay raggii howlgalka fuliyay.
Dhanka kale, qarax ayaa lagu weeraray fariisin ciidamada dowladda federaalka ay ku leeyihiin deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho, lamana oga khasaaraha ka dhashey.
Weeradan waxay qeyb ka yihiin howlgallada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka wado dalka Soomaaliya, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda federaalka oo ku aadan dilalkii xalay Muqdisho loogu geystay xubna iyada katirsan.