
Xeer ilaaliyaha Faransiiska ee qaabilsan arimaha waxa loogu yeero Argagaxisada ayaa shaaca ka qaaday in ruuxii fuliyay weerarkii lagu qaaday saldhiga Boolis ee ku yaala magaalada Paris uu ahaa qof muslim ah oo heysta fakarka Salafka.
Xeer iaaliye Jan Faranso ayaa sheegya in ninkan weerarka fuliyay lagu magacaabo Miikaayiil, diinta Islaamkana uu qaatay toban sano kahor, horeyna uu usoo dhaweeyey oo u u taageeray weerarkii lagu qaaday joornaalka Charlio hebdo ee aflagaadeeyay Rasuulka Sallaahu caleyhi wasallam.
Wuxuu intaa ku dary xeer ilaaliyaha Faransiiska u qaabilsan arimaha waxa loogu yeero Argagaxisda in Miikaayiil uu mudooyinkii u dambeeyey iska dhaafay xerashada dharka reer galbeedka, taas bedelkeedana uu ku labisanayay dharka ay muslimiintu caanka ku yihiin.
Haweeneyda uu qabay Miikaa’iil ayay dowladd Faransiisku xabsiga u taxaabtay, taas oo la waydiinayo su’aalo ku aadan haddii ay jiraan wax ay ka ogtahay weerarka uu ninkeeda fuliyay.
Miikaa’iil ayaa weerarkan oo uu u adeegsaday mindi wuxuu ku dilay ugu yaraan 4 askari oo katirsan ciidamada Police-ka, halka uu dhaawacay 2 kale, waxaana ugu dambeyn isagana dilay askari katirsan ciidamadii joogay saldhiga.
Wadamada Reer galbeedka waxaa inta badan ka dhaca weeraro keligii duulnimo ah oo ay fuliyaan dhalinyarada muslimiinta ee kunool wadamadaas, waxaana illaa iyo hadda ay reer galbeedku awoodi la’yihiin iney ka hortagaan ragaas.