HomeAll newsDagaallo culus oo duleedka Kulbiyow ku dhexmaray Al-Shabaab iyo Askar Kenyaatiga daacad...

Dagaallo culus oo duleedka Kulbiyow ku dhexmaray Al-Shabaab iyo Askar Kenyaatiga daacad u ah.

Saldhiga Kenyaatiga ee Kulbiyow oo horey loo weeraray.

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa ku waramaya in deegaanna dhaca duleedka Kulbiyow ay ku dagaallameen ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo askar daacad u ah ciidamada Kenyaatiga.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in askarta Soomaalida ah ee ka amar qaata Kenyaatiga ay duulaan kusoo qaadeen deegaan ay dad xoola dhaqato ah ku noolyihiin, halkaas oo ay doonayeen iney dhac ka geystaan.

Balse ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo goobta ka ag dhawaa ayaa ka war helay ujeedka askarta daacadda u ah ciidamada Kenyaatiga, waxayna kusoo qaadeen dagaal culus.

Dagaal socday saacado xiriir ah ayaa halkaas ku dhexmaray labada ciidan, taas oo ugu dambeyn dhalisay in deegaanka laga eryo ciidamadii daacadda u ahaa Kenyaatiga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular