Dhul baaxadiisu aad u weyntahay oo katirsan wadanka Lubnaan ayaa waxaa ka kacay dab xoog leh, kaas oo si deg deg ah ugu fiday dhul horleh.
Wararka ka imaanaya dalka Lubnaan ayaa sheegaya in magaalooyin badan oo dhaca koonfurta iyo wuqooyiga wadankaas ay ka kaceen dab aan la ogeyn waxa asalkiisu kasoo billowday, kaas oo bas beeliyay dhul badan.
Magaalooyin dhowr ah oo katirsan gobolka Jabalu Lubnaan, gaar ahaan halka laga galo mandiqadda Ash-shoof, illaa laga gaaro wuqooyiga, ayuu dabku is heysataa, waxaana go’doonsan dadweyne badan.
Dhulka uu dabku ka kacay ayaa ah dhul aan sinneyn, oo buura iyo hoobad ah, waxaana adag in si fudud lagu gaarsiiyo gawaarida dab damiska ee dowladda Lubnaan.
Ra’iisul wasaaraha wadanka Lubnaan Sacad Al-Xariiri oo Hadley wuxuu sheegay in xukuumadiisu ay ka taag dareysay gurmadkii loo baahnaa, wuxuuna dowladaha Caalamka ka codsaday iney garab istaagaan.
Dowlado katirsan Caalamka ayaa la sheegay iney soo direen labo diyaaradood, kuwaas oo hadda ka qeyb qaadanaya howsha dab damiska ee socota.
Musiibooyinka noocaan ah ayaa kusoo badanaya inta badan Caalamka, waxaana culimada ay u sabbaynayaan macaasida iyo diin ka fogaanshaha ay dadka qaar ku kacayaan, iyadoona dadka loogu baaqay iney towbad buuxda la yimaadaan.