HomeAll newsCiidamada Ruushka oo la wareegay magaalada Kooobaani ee dalka Suuriya.

Ciidamada Ruushka oo la wareegay magaalada Kooobaani ee dalka Suuriya.

Saacado kadib, markii ay heshiis wada gaareen dowladaha Ruushka iyo Turkiga ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ciiidamo katirsan Ruushka ay gaareen magaalada Koobaani ama Ceynul Carab oo dhacda xuduud beenaadka Suuriya iyo Turkiga.

Guutooyin katirsan Police-ka sida milliteriga u tababaran ee Ruushka ayaa ka gudbay webiga Al-FUraat, waxayna gaareen magaalada Ceynul-Carab ama Koobaani,sida ay tabinayaan warbaahinta Ruushka.

Turkiga ayaa u muuqda in inta badan deegaannadii uu ka saaray malleeshiyaadka Kurdiyiinta uu ku wareejiyay Nidaamka Nuseyriyada Bashaar Al-Asad oo kaashanaya Ruushka, waxaana tani ay meesha ka saartay rajo badan oo ay muujinayeen dad badan, oo ku aadan in Turkigu deegaannada uu la wareego ku wareejin doono Mucaaradka Suuriya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular