Ciidamada Jabuuti oo qeyb ahaan heysta degmooyin ka tirsan Hiiraan, garabna u ah askarta Xabashida Itoobiya ayaan wax mushaar ah qaadan muddo sannad ah, laga soo billaabo bishii December ee sanadkii 2018kii.
Xogtan ayaa waxaa daabacay wargeyska lagu magacaabo Indian Ocean Newsletter oo soo xiganaya ilo wareedyo, balse wuxuu sheegay in sababta ay mushaarkooda ku waayeen ay tahay arrimo la xariira musuqmaasuq.
Wuxuu sheegay wargeysku in Midowga Afrika uu bixiyay lacagaha laakin cidda wax is daba marisay ay tahay dowladda Jabuuti, oo haba yaraatee ciidankeeda ku eeganaysa gaajada iyo dar xumada.
Cabashooyinka ugu xooggan ee mushaar la’aanta ayaa waxay kasoo yeerayaan guutada lixaad ee ciidanka Jabuuti oo beddelay midda afaraad ee ku sugnaa degmada Jalalaqsi.
Ciidamada Jabuuti ayaa wadanka Soomaaliya lagu keenay in askari walba la siinayo bishii lacag dhan 800 oo dolar, waxaana bixiya dhaqaalahaas ururka Midowga Yurub isagoo ku wareejiya Midowga Afrika.
Markii ay ciidamada shisheeye ee Amisom taag darreeyeen kuna uruureen godadka, wuxuu ururka midowga Yurub dhimay 20% (boqolkiiba labaatan) mushaarka askarta soo duulayaasha, halka dowladaha ay ciidamadaasi ka socdaan isla mushaarkii kasii jarteen 20% (Boqolkiiba labaatan)
Marba marka ka dambeeya waxaa sii kordhaya duruufaha ciidamada shisheeye, taasoo ay usii dheer tahay dagaalada joogtada ah ee ay kala kulmayaan milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.