
Saqdii dhexe ee xalay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaallo toos ah waxay ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.
Dagaalka ayaa ahaa mid aad u culus, waxaana ciidamada Mujaahidiinta u suuragashey iney gaaraan difaacyada ciidamada dowladda federaalka ee Shisheeyaha ku wehlinaya duulaankooda ay ku qabsadeen Bariire.
Dagaalka tooska ah waxaa wehlinayay duqeymo xoogan oo lagu garaacay saldhiga, kuwaas oo loo badinayo iney geysteen khasaare nafeed.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii laba jibaartay weerarada ay ku qaadayso ciidamada dowladda federaalka, kuwa Shisheeyaha, Maraykanka iyo ciidamada sida gaarka ah ee uu ku shaqeysto.