HomeAll newsCiidamada Dowladda Federaalka Oo Awdheegle Lagu Weeraray.

Ciidamada Dowladda Federaalka Oo Awdheegle Lagu Weeraray.

Galbanimadii maanta, ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday difaacyada ciidamada dowladda federaalka ay ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaalka oo ahaa mid culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaa lagu soo waramayaa inuu in muda ah socday, islamrarkaana daryanka hubka la isku adeegsanayay laga maqlayay goobo fog fog.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo takbiirsanaya ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhiga ciidamada dowladda ee Awdheegle, kuwaas oo ciidamada Afrikaanta ku wehlinaya duulaankooda ay ku yimaadeen degmadaas.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey dagaalka galabta ka dhacay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose, wuxuuna dagaalkan qeyb ka yahay howlgallada ballaaran ee ay wadaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular