HomeAll newsBooliska Kenya oo Dhac U Geystay Ganacsato Soomaaliyeed.

Booliska Kenya oo Dhac U Geystay Ganacsato Soomaaliyeed.

Askar katirsan ciidanka Booliska dalka Keenya ayaa hanti boob ku sameeyay ganacsato Soomali ah oo ku dhaqan mid kamid ah xaafadaha ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda wadankaaas.

3 askari oo Boolis ah iyo burcad kasoo jeeda dalka Cameron ayaa xilli habeen ah iyagoo hubeysan dhac u geystay ganacsato dukaano ku lahaa xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Waaxad dambi baarsita ee dalka Kenya ayaa bartooda twitterka kusoo qoray in ay gacanta ku dhigeen islamarkaana xabsiga u taxaabeen 3 askari oo Boolis ah iyo nin u dhashay dalka Cameron ka dib markii ay dheceen lacag dhan 60,000 oo Doolar oo udhiganta 6 Milyan oo Shilinka Kenya ah.

Sidoo kale wexey sheegeen iney gacanta ku dhigeen raggan iyo lacag dhan 35200 oo Doolar oo kamid ah lacagtii ay dheceen iyo 2 Baastooladood oo ay dhaca ku geysanyeen.

Booliska Saldhigga Pangani ee xaafada Islii ayaa dhanka kale tilmaamay iney baadi goobayaan 2 shaqsi oo kale oo sida ay sheegeen ay ku tuhun sanyihiin ku lug lahaan shiyaha falka dhaca ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dhac noocan ah loo geysto ganacsato Soomaaliyeed. Booliska Kenya ayaa mar walba dadka ku hurdasiiya iney soo qabteen ama ay ku raad joogaan kooxihii dhaca geystay kadibna lama soo hadal qaado kiiska.

Sidoo kale askarta Kenya ayaa ah kuwa dadka dhaca iyadoo laamahooda dambi baaristuna yihiin kuwa musuqoodu badan yahay sida lagu sheegay warbixinno dhowr jeer lasoo saaray.

Askarta dalkaas, gaar ahaan Boliska iyo kuwa la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada ayaa lagu xusuustaa in ay sumcadda ka dhacaday ka dib markii loo diray in ay soo badbaadiyaan dadkii Kenyaanka ahaa ee ku go’doonsanaa dhismihii Westgate ee ay Xarakada Al-Shabaabul-mujaahidiin weerarka ku qaaday sannadkii 2013-kii, goortaasoo ay Kaamaradda qabatay iyagoo dhacaya dukaanada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular