HomeAll newsAskari lagu dilay magaalada MUQDISHO.

Askari lagu dilay magaalada MUQDISHO.

Waxaa goordhow magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu dilay askari katirsan ciidamada dowladda federaalka.

Askarigan ayaa rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab waxay ku toogteen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dhowr xabadood ayaa kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa, waxaana lagu magacaabaa sida ilo xog ogaal ah ay sheegyaaan Axmad Maxamed Xaamud oo loo yaqaano (Madheyto).

Raga dilka geystay ayaaa goobta isaga tagay, waxaana goor dambe meydka askariga qaaday ciidamo katirsan dowladda federaalka oo goobta soo gaaray.

Dilalka qorsheysan ee lagu ugaarsanayo ciidamada iyo saraakiisha dowladda ayaa joogta ah magaalada caasimadda ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular