HomeAll newsAala-Sucuud Oo Qorsheynaya inuu soo saaro Wareegto u fasaxeysa Dumarka iney Maraxm...

Aala-Sucuud Oo Qorsheynaya inuu soo saaro Wareegto u fasaxeysa Dumarka iney Maraxm la’aan Cumreysatan.

Sida uu daabacay wargeyska Sabaq oo kamid ah wargeysyada ka ag dhow maamulka Aala-Sucuud, wuxuu maamulku qorsheynayaa in mardhow uu soo saaro xeer ogolaanaya  in haweenka ay keligooda cumreysan karaan, iyagoo aan la socon maxaarimtooda.

Wargeyska oo soo xiganaya xubno sar sare oo katirsan maamulka Aala-Sucuud, gaar ahaan hay’adaha qaabilsan Xajka iyo Cumarada ayuu shaaca ka qaaday iney socoto diraaseyn lagu sameynayo arinkan, ayna suuragal tahay in mardhow si toos ah loo ogolaado in haweenku ay keligooda soo cumreysatan.

Warbixinta lagu daabacay wargeyska Sabaq waxay intaas ku dartay in haddii la meel mariyo go’aankan uu faa’iido u yahay ragga maxaariimta ah, oo ka nasan doona iney haweenkooda cumrada usoo raacaan, waa sida ay warbixintu hadalka u dhigtay’e.

Tani ayaa ah tallaabadii u dambeysay ee uu qaaday maamulka Aala-Sucuud, waxaana culimada Muslimiinta ee kudhaqan Caalamka ay sheegayaan in maamulka Aala-sucuud uu markan usoo tafaxeetay in gabdhaha Muslimaadka ah uu ka siibo shacaa’irta diineed iyo dhaqanka suuban ee lagu yaqaano.

Shareecada Islaamka ayaa diiday in gabadhuhu ay galaan safar maalin iyo habeen qaadanaya, iyagoo aaney la socon rag kamid ah maxaarimtooda, sida ragooda, walaalahooda, wiilasha ay habaryarta ama Eedada u tahay

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular