HomeAll news4 Askari Itoobiyaan ah Oo lagu dilay Qaraxyo ka dhacay Baay.

4 Askari Itoobiyaan ah Oo lagu dilay Qaraxyo ka dhacay Baay.

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa ku waramaya in qaraxyo xoogan lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Itoobiya oo ku safrayay wadada xiriirisa Buur Hakaba iyo magaalada Baydhabo ee xarunta  gobolka Baay.

Qaraxyada ayaa ahaa kuwa xoogan, waxaana ciidamada Itoobiyaanka la beegsaday iyagoo socod ku jira, iyadoona qaraxyada ay dhaliyeen khasaare kala duwan.

Ugu yaraan 4 askari oo Itoobiyaan ah ayaa la xaqiijiyay geeridooda,waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashey qaraxa labaad oo lala eegtay iyagoo maraya deegaanka Moode Moode.

Gobolka Baay waxa uu kamid yahay meelaha lagu dhiig bixinayo ciidamada Xabashida Itoobiya ee duulaanka kusoo qaaday wadankeena Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular