Muuqaal ay baahiyeen malleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee ka dagaallama wadanka Yemen ayaa waxaa kasoo muuqanaya ciidamo katirsan kuwa maamulka Aala-sucuud oo si adag loo gumaadyao.
Xuuthiyiinta ayaa sheegay in howlgalladan bilihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen gobolada Najraan iyo Jaazaan ee xuduud beenaadka dhaca, ayna ku dileen ciidamo aad u badan, kuwa kalena ay gacanta ku dhigeen
Malleeshiyaadka ayaa sheegaya in ciidamada la laayay, iyo kuwa la qabtay ay yihiin ugu yaran saddex guuto, ayna kamid yihiin saraakiil sar sare oo katirsan ciidamada maamulka Aala-sucuud.
Afhayeen u hadlay Xuuthiyiinta oo muuqalladan soo bandhigay ayaa sheegay in howlgalladan ay yihiin qeybtii koowaad, ayna sii socon doonaan.
Maamulka Aala-sucuud ayaa ku guul dareystay iska caabinta malleeshiyaadka Xuuthiyiinta, waxaana hadda malleeshiyaadku howlgallo waaweyn ka fuliyaan gudaha dhulka Xarameynka, iyagoo fagaarahan ku gallaafanaya askarta maamulka.