HomeAll newsXiisad ka dhex taagan Dowladda iyo Madaxweynayaashii hore.

Xiisad ka dhex taagan Dowladda iyo Madaxweynayaashii hore.

 

Dowladda Federalka waxaa ka dhex oogan xiisad aad u adag iyadoo ay madaxa iskula jiraan madaxda ugu sarreysa dowladda iyo qaar kamid ah madaxweynayaashii ka horreeyay iyo siyaasiyiin mucaarad ah.

Xiisadda oo horey u jirtay ayaa sii laba kacleysay markii ciidamada Uganda ay Shariif Sh/Axmad u diideen inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kadib markii arrintaas uu ka dalbaday Farmaajo oo ah madaxweynaha dowladda.

Xassan Sheekh oo ah madaxweyhihii hore ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay tallaabada ay ku kacday dowladda federalka ee ay ku mamnuucday in siyaasiyiintu KIsmaayo u safraan. Wuxuu eedeeyay madaxda DF oo uu ku sheegay iney haadaan ka tuurayaan dowladnimada, kuna tumanayaan xuquuqda shacabka.

Sidoo kale siyaasi Cabdi Barre Jibriil oo ah xildhibaa hore, haddana ku sugan dalka Mareykanka ayaa isna wuxuu madaxda DF ku eedeeyay iney dhibaatooyin badan kusoo kordhiyeen dalka mudada sadaxda sano ku dhow ee ay xilka hayaan, hadda wixii ka dambeeyana aan loo dul qaadan doonin.

Xiisadda ka dhex oogan maamul goboleedyada qaar, madaxda dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxaa ka dambeeya Itoobiya sida laga soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay.

Mid kasta oo kamid ah dhinacyada is haya ayaa wuxuu ku beer laxawsanayaa shacabka, ama waxaa afafkooda laga dareemayaa qabyaalad iyo wax yaabo u muuqda in lagu kala qeybinayo shacabka Soomaaliyeed.

Xassan Sheekh oo hadda ku beer laxawsanaya bulshada Muqdisho, ayaa la xusuustaa markii uu madaxweynaha ahaa inuu hal maalin dekedda Muqdisho ka cayriyay shan kun oo muruqmaalka Xamar ah.

Farmaajaha isna ku beer laxawsanaya bulshada ayaa la xusuustaa in sannadkii 2011-kii uu yiri “dagaalka aan ka wadno Muqdisho waxaan ku difaacaynaa shacabka magaalada Newyork ee dalka Mareykanka”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular