HomeAll newsXammaas Oo shaacisay in Aala-Sucuud uu xiray mid kamid ah Hogaankeeda.

Xammaas Oo shaacisay in Aala-Sucuud uu xiray mid kamid ah Hogaankeeda.

Markii ugu horeysay, Xarakada wax iska caabinta ee Xammaas ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Aala-Sucuud uu xabsiga dhigay mid kamid ah masuuliyiinta Xarakada oo ku sugnaa dhulka Xarameynka.

Ninka xabsiga la dhigay ayaa lagu magacaabaa Muxamad bin Saalax Al-khadhiri oo loo yaqaano Abuu Haani, waxayna Xammaas sheegtay inuu ahaa wakiilkeeda u fadhiya magaalada Jeddah.

Muda laga joogo shan bilood kahor ayuu maamulka Aala-sucuud xiray masuulkan katirsan Xammaas iyo tiro kamid ah jaaliyadda muslimiinta ee kasoo jeeda Filastiin, waxayna Xammaas shaaca ka qaaday iney intaas oo idil aamusneyd, si fursad loo siiyo wadiiqooyinka Diblumaasiyadda.

Bayaanka kasoo baxay Xammaas waxaa lagu sheegay in Abuu Haani uu 81 jir yahay, islamarkaana uu xanuunsanyahay mudooyinkii u dambeeyey, kaalin weynna kasoo qaatay dadaalka ay Filastiiniiyiintu ku doonayaan iney ku xureeyaan dhulka Filastiin.

Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee keentay in la xiro masuulkan katirsan Xammaas, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Aala-Sucuud, balse waxay kusoo aadeysaa iyadoo ay jiraan isku soo dhawaansho muuqata oo u dhexeysa maamullada Yahuudda iyo Aala-Sucuud.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular