Milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay qaaday silsilado weeraro saf ballaaran ah oo lagu ekeeyey inta badan saldhigyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha hoose.
Dagaallada oo ahaa kuwa culus, islamarkaana si aad ah loo soo qorsheeyey ayaa socday in muda ah, waxaana goobaha ay ka dheceen dadka ku sugan ay soo sheegeen iney maqlayeen daryanka hubka culus.
Goobaha la weeraray waxaa kamid ah saldhiga ay ciidamada Shisheeyaha ku leeyihiin deegaanka Ambareeso ee dhaca afaafka hore ee degmda Baraawe, Buula Mareer iyo Golweyn.
Sidoo kale meelaha lagu weeraray Shisheeyaha waxaa kamid ah difaacyada ay ku leeyihiin Bariiire, Awdheegle, Nambar 60 iyo Zabiid.
Weeraradan ayaa si isku mid ah waxay u saameeyeen ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka, waxaana al rumeysanyahay iney ka dhasheen khasaare gaaray Afrikaanta iyo Soomaalida wehlineysa.