Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabakutukade oo ah waaliga wilaayada islaamiga ee Shabeellaha dhexe ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan wuxuu kaga hadlay arimo kala duwan.
Arimaha uu ka hadlay waaliga waxaa kamid ah xaaladda gobolka, iyo dadaallada ay Wilaayadu ku bixisay sidii loo heshiiisin lahaa qabaa’ilka Soomaaliyeed ee wada dega Shabeellaha dhexe.
Dhanka Shisheeyaha ayuu sheegay iney huriyaan collaada ku salleysan qabiilka, islamarkaana ay hubka isugu dhiibaan dadka shacabka ah.
Horumarrada ka jira wilaayada iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka ayuu waaligu ka hadlay, wuxuuna sheegay in wilaayadu ka jiro horumar dhinacyo kala duwan leh.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu waaligu u diray fariimo dhaxal gal ah, isagoona ugu baaqay iney meel uga soo horjeesadaan Shisheeyaha.
Halkan ka dhagayso Waraysiga Sheekh Yuusuf Kabakutukade uu siiyay Idaacadda Al-Furqaan.