HomeAll newsWaa kuma Zeynul Caabidiin bin Cali, madaxweynihii hore ee Tuunis?(Dhagayso)

Waa kuma Zeynul Caabidiin bin Cali, madaxweynihii hore ee Tuunis?(Dhagayso)

Zeynul Caabidiin bin Cali, wuxuu 3-dii septembar 1936-dii ku dhashey wadanka Tuunis, waana madaxweynihii labaad ee u yeesho dalka Tuunis, wixii ka dambeeyey mrakii uu xurriyadiisa ka qaatay gumeystihii Faransiiska sanadkii 1956-dii.

Intii ay jirtay dowladdii uu hogaaminayay Al-xabiib Buurqiiba, wuxuu Zeynul Caabidiin bin Cali ahaa ra’iisul wasaaraha wadanka, illaa ugu dambeyn uu ku dhaqaaqay afgembi aan dhiig ku daadan, isagoo madaxweynaha ku eedayay inuusan awood u lahayn gudashada waajibaadka shaqada.

Mar uu ka hadlayay afgembigaas uu ku kacay, ayuu sheegsay inuu ahaa tallaabo uu ku badbaadinayay qaranka Tuunis, balse dad badan waxay ku eedeynayaan inaaney waxba ka jirin sheegashadaas, oo uu awooda madaxtinimada u adeegsaday danihiisa gaarka ah.

Laga soo billaabo markii uu talada la wareegay, illaa markii xooga looga qaaday, wuxuu Zeynul Caabidiin bin Cali dagaal adag oo la galay tacaaliimta diinta Islaamka, isagoona aas-aasey nidaam ra’samaali ah oo ka hor imaanaya diinta Islaamka.

Wuxuu la dagaallamay cid weliba oo uu ka uriyo raad diimeed, xitaa wuxuu la colloobay axsaabtii mucaaradka ee qaarkood ku abtirsanayay waxa loogu yeero Islaamka siyaasiga.

1999-dii, wuxuu sheegay Zeynul Caabidiin in wadanka uu marti gelinayo doorasho madaxtinimo, balse waxay iska ahayd doorasho horey loo agaasimey, isagana ayayna guushu raacday.

Doorashooyin dhacay illaa shan jeer, ayuu Zeynul Caabidiin bin Cali kusoo baxay, guushuna ay isagu raacday, waxaana ugu dambeyntii talada looga wareejiyay awood, markii udalka ay ka dheceen kacdoono shacabi ah sanadkii 2011-da.

Marka si hoose looga hadlo sooyaalka taariikheed ee Zeynul Caabidiin, wuxuu ahaa nin ay soo barbaariyeen gumeystaha Faransiiska, in muda ahna loo diyaarinayay inuu noqdo hogaamiye gacanta ugu jira Faransiiska, fuliyana danaha dowladaas.

Wxuu ka qelin jebiyay iskuullo ku yaala Faransiiska oo lagu barto culuumta caskariga, diraasadiisa sarena wuxuu soo qaatay fanniga Sirdoonka iyo Amniga, isagoo kasoo qelin jebiyay machad ku yaala isla wadanka Faransiiska.

Sidoo kale machad ku yaala Marayknaka oo lagu barto adeegsiga madaafiicda loo adeegsado soo ridista diyaaradaha ayuu Zeynul Caabidin bin Cali kasoo qelin jebiyay, sida lagu sheegay warbixin looga hadlay taariikhdiisa oo la baahiyay sanadkii 2010-ka.

Halkan ka dhagayso Warbixin ku saabsan Taariikhda Zeynul Caabidiin bin Cali

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular