HomeAll newsTobaneeyo Askari oo ku dhintay Camaliyad ka dhacday Kaabul.

Tobaneeyo Askari oo ku dhintay Camaliyad ka dhacday Kaabul.

Waxaa goordhow magaalada Kaabul ee caasimadda wadanka Afqaanistaan ka dhacay weerar nafhurnimo ah oo lala beegsaday kolonyo ciidamo Maraykan ah.

Weerarka waxa uu dhacay xilli kolonyada Ameerikaanka ah ay kasoo baxeen xarunta 40-aad ee sirdoonka xukuumadda Kaabul uu ku leeyahay magaalada caasimadda ah.

Dhaalibaan war kooban oo ay soo saartay waxay ku sheegatay masuuliyadda weerarkan, iyadoona shaaca ka qaaday iney ku dishey 12 askari oo Shisheeye ah iyo 8 askari oo katirsan kuwa Sirdoonka dowladda Afqaanistaan.

Waxaa intaa dheer in weerarka nafhurnimada ah lagu gubay 3 gaari oo noocyada gaashaman ah, waxaana qiiqa iyo uurada madow ee ka dhalatay weerarka laga arkayay xaafado fog fog oo katirsan caasimadda.

Dhawaan ayay ahayd markii weerar Nafhurnimo iyo xoog ku gal isuga jira dagaalyahanno katirsan Dhaalibaan ay ku qaadeen xarumo ay Shisheeyuhu ku leeyihiin xaafadda amaankeeda sida aadka ah loo adkeeyo ee Grean Willich.

Howlgalkaas ayaa waxaa ku dhintay tobanaan ruux oo Shisheeye ah, waxaana xaafaddu ay ahayd mid u gaar ah Shisheeyaha oo keliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular