HomeAll newsSuldaanka Beesha Tunni Ee Jubooyinka oo Geeriyooday. (Sawirro)

Suldaanka Beesha Tunni Ee Jubooyinka oo Geeriyooday. (Sawirro)

Alle ha u naxariisto’e, waxaa magaalada Jilib maalintii shalay ku geeriyooday Suldaankii beesha Shan-Gamaas ee Jubooyinka, Suldaan Ibraahim Aadan Ibraahim, kaasoo si weyn looga garanayay gobolka oo dhan.

Suldaan Ibraahim ayaa muddo aad u dheer ahaa Suldaan kaasoo wax badan oo wanaag ah u hor seeday beeshiisa. Wuxuu ahaa nin aqoon iyo waaya aragnimo isku darsaday. Waxaa aaskiisa ka qeyb galay dad badan oo ay mas’uuliyiin iyo culimo kamid yihiin.

Maamulka islaamiga ah iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka ayaa u ehelada suldaanka uga tacsiyeeyay geeridan, waxayna Allaah ka baryeen inuu Suldaanka Jannada ka waraabiyo. Suldaan Ibraahim ayaa wuxuu hadda ka hor kasoo muuqanayay Vedio- ay idaacadda Al-furqaan ka diyaarisay beeraha Jilib (Beeraha dalkeena maan ku baahi beelno)

Hoos Ka Daawo Suldaanka oo la sawiran odayaal kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular