Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday difaacyada ciidamada Shisheeyaha ay ku leeyihiin degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose.
Dagaalka ayaa ahaa mid culus, waxaana la isku adeegsadya hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona ciidamada Mujaahidiinta ay ka dagaallameen afaafka hore ee xerada Shisheeyaha.
Lama oga khasaaraha ka dhashey dagaalkan, waxaase la rumeysanyahay iney jirto waxyeello kala duwan oo gaartay ciidamada Shisheeyaha.
Weerarkii xalay lagu qaaday Qoryoolay ayaa kuso aadaya iyadoo habeen hore ay ciidamada Mujaahidiinta weeraro saf ballaaran ah ku qaadeen difaacyada iyo saldhigyada ciidamada Shisheeyaha ay ku leeyihiin inta badan goobaha ay ka joogaan gobolka Shabeellaha hoose.