Ciidmada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in meydka sarkaal katirsan ciidanka Police-ka laga dhex helay qol uu ka deganaa xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee Shisheeyuhu ku leeyihiin guud ahaan wadanka.
Edward Bagonza oo kamid ah saraakiisha qeybta Police-ka ee ciidamada wata magaca AMISOM ayaa la xaqiijiyay in laga dhex helay qolkiisa, laman oga sababta rasmiga ah ee keentay dhimashadiisa.
Col. Grace Turyagumanawe oo kamid ah saraakiisha Shisheeyaha ayaa shaaca ka qaaday in Edward la helay isagoo meyd ah, faafaahin intan kabadanna ma bixin. (Phentermine)
Waxaa suurtagal ah in sarkaalkan uu is dilay, xilli ciidamada Shisheeyaha ay wajahayaan culees dhanka amniga ah oo uga imaanaya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.