HomeAll newsSarkaal katirsan ciidamada dowladda Oo Muqdisho Lagu dilay.

Sarkaal katirsan ciidamada dowladda Oo Muqdisho Lagu dilay.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal sare oo katirsan ciidamada daacadda u ah Maraykanka ee loo yaqaano Bankrafta.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Axmed Sheekh Aadan ayaa lagu dilay xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan, waxaana dilka kadib goobta ka tagay raggii howlgalka geystay.

Waxaa goor dambe goobta dilka uu ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka oo qaaday meydka sarkaalkan.

Sarkaalkan ayaa tababar kusoo qaatay xerada Maraykanku ku leeyahay garoonka Ballidoogle, waxaana dilkiisa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular