HomeAll newsSaraakiil katirsan Sirdoonka Dowladda Oo Caawa Muqdisho Lagu dilay.

Saraakiil katirsan Sirdoonka Dowladda Oo Caawa Muqdisho Lagu dilay.

Warar goordhow kusoo dhacay warqabadka idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in goordhow mid kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir uu ka dhacay howlgal gaar ah oo lagu beegsaday saraakiil katirsan ciidamada Sirdoonka dowladda federaalka.

Howlgalkan ayaa ka dhacay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu dilay labo sarkaal oo katirsan ciidamad PS-ta dowladda federaalka.

Rag hubeysan oo katirsan ciidamada Xarkada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa toogtay labadan sarkaal, waxayna ka qaateen bastooladihii ay ku hubeysnaayeen.

Goor dambe waxaa goobta uu ka dhacay dilka soo gaaray ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa Sirdoonka, waxayna qaateen meydadka labada sarkaal, iyadoona goobta ay si nabad geliyo ah uga tageen raggii dilka geystay.

Muqdisho, waxaa inta badan ka dhaca weeraro kala duwan oo ay masuuliyadooda sheegato Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana dilka labadan sarkaal caawa laga hadal hayaa Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular