HomeAll newsSaraakiil katirsan Milliteriga iyo Booliiska Oo Muqdisho Lagu Weeraray.

Saraakiil katirsan Milliteriga iyo Booliiska Oo Muqdisho Lagu Weeraray.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka dhacay howlgallo kala duwan oo lagu beegsaday saraakiil katirsan qeybaha kla duwan ee ciidamada dowladda federaalka.

Rag hubeysan ayaa degmada Dharkenleey ee magaalada Muqdisho waxay ku toogteen Xassan Guuleed oo kamid ahaa saraakiisha milliteriga dowladda federaalka.

Ragga dilka geystay ayaa goobta si nabad geliyo ah isaga tagay, waxaana goordambe meydka sarkaalka qaaday ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka.

Dhinac kale, qarax xoogan ayaa degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho waxaa lagula eegtay sarkaal sare oo katirsan ciidamada Police-ka dowladda federaalka.

Jeneraal Maxa’ed Cabdullaahi Dhoorre oo ah masuulka Police-ka dowladda federaalka u qaabilsan arimaha dibadda, ahna isku xiraha Police-ka dowladda iyo Interpoll ayaa waxaa qarax lagula beegsaday isagoo maraya meel u dhow dekadda magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa waxaa gaaray dhaawac halis ah, waxaana la dhigay isbitaallada ku yaala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda labadan weerar ee ka dhacay Muqdisho, waxayna ku daba feylayaan howlgallada qorsheysan ee ay fulineyaan ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

(Phentermine)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular