HomeAll newsSaraakiil Ciidan oo lagu dilay Muqdisho.

Saraakiil Ciidan oo lagu dilay Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay howlgallo qorsheysan oo lagu khaarijiyay saraakiil katirsan ciidamada dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo.

Howlgalladan dilalka ah ayaa ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu dilay labo sarkaal oo kala tirsanaa ciidamada milliteriga iyo CID-da.

Faarax Cabdullaahi oo ahaa sarkaal katirsan ciidamada milliteriga dowladda ayaa rag hubeysan waxay ku dileen xaafadda Taleex ee degmada Hodan.

Sidoo kale xaafadda Soonakey ee isla degmada Hodan waxaa lagu toogtay sarkaal katirsan waaxda dembi baarista ee CID-da.

Raggii fuliyay dilalkaas ayaa goobta si nabadgeliyo ah uga tagay, waxaana meydadka labada sarkaal goordambe qaaday ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka.

Muqdisho waxaa kusoo noq noqonaya howlgallada lagu ugaarsanayo saraakiisha, ciidamada iyo xubnaha dowladda federaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular