HomeAll newsRa'iisul wasaaraha Yahuudda Oo Xoog ku tagay Al-Khaliil.

Ra’iisul wasaaraha Yahuudda Oo Xoog ku tagay Al-Khaliil.

Bin Yamani Natanyahu ayaa booqasho ku tagay magaalada Al-khaliil ee dhulka Filastiin, isagoona xoog ku galay masjidka Al-ibraahiimi ee ku yaala magaalada.

Hadal uu ka jeediyay masjidka daahirka ah ayuu Natanyahuga Yahuudiga ah wuxuu ka dhex sheegay in Yahuudu ay weligood joogi doonaan magaalada Al-khaliil, oo aysan jirin meel ay uga socdaan.

Booqashada Natanyahu oo kusoo aaday mid kamid ah munaasabadaha ay Yahuudu u dabaal degaan, oo ah markii laga eryay magaalada Al-khaliil 90 sano kahor ayuu aad ugu nux nuuxsaday in Yahuudu aaney sinaba uga socan magaalada Al-khaliil iyo guud ahaan magaalooyinka ay xooga ku joogaan.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Yahuudda ayaa ka hor booqasahda Natanyahu la keenay magaalada, kuwaas oo ilaalinayay Ra’iisul wasaaraha, waxaana fashilmey isku dayo ay dadka muslimiinta ha ku doonayaan iney ku hor istaagaan booqasahda Natanyahu.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular