Wararka ka imaanaya magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku waramaya in qarax khasaare dhaliyay gudaha magaalada lagula beegsaday ciidamo katirsan dowladda federaalka.
Qaraxa ayaa ka kacay goob ay ku qayilayeen ciidamada dowladda, waxaana uu dhaliyay waxyeello isuga jirta dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan 10 askari ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxan, waxaana meydadka iyo dhaawacyada daabulay ciidamo kale oo goobta soo gaaray.
Goobjoogayaal ku sugan magaalada Marko ayaa sheegaya in dhaawcyada ciidamada dowladda la dhigay xarumaha caafimaadka, halka lagu wado in la aaso meydadka.
Howlgallada lagu beegsanayo askarta dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa kusii badanaya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana masuuliyadooda inta badan sheegata Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.