HomeAll newsNin Dilay xaaskiisa oo Lagu qisaasay Shabeelaha hoose.

Nin Dilay xaaskiisa oo Lagu qisaasay Shabeelaha hoose.

Fagaarayaal ayay dadku isugu yimaadaan marka ay dhacayaan xukunnada Xuduuda ah.

Tuulada Ugunji ee Hoostagta Magaalada Janaalle ee gobalka shabeelaha Hoose ayaa shalay Galinkii Danbe waxaa  Lagu qisaasay Usaama Maxamuud Macaani oo horay udilay xaaskiisa isagoo qoorta ka jaray xiligaasi oo uu Sarqaansanaa.

Ehelada gabadha la dilay ayaa soo dacweystay Usaama.waxayna uhelada Go’aansadeen in Loo qisaaso Ninka sida xun udilay Gabadhooda sida uu goobta ka sheegay mid kamid ah qudaada xarakada shabaabul mujaahidiin ee riday xukunka.

Fagaaraha xukunka uu ka dhacay waxaa soo xaadiray dad badan oo isaga kala yimid goobaha ka ak dhaw Ugunji.

Xarakada shabaabul Mujaahidiin oo ka talisa Dhul baaxad leh ayaa waxaa lagu maamulaa shareecada islaamka oo hiraglinteeda ay sabab unoqotay inay ku kala badbaadeen qabaa’ilada islamarkaana ay ku nabad gashay Cirdiga iyo maalka qofka Muslimka ah ee Ku nool Wilaayaadka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular