Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku waramaya in qarax xoogan lala eegtay masuuliyiin katirsan maamulka degmada Qoryooley ee dowladda federaalka.
Gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen askar Ugaandhees ah iyo Homey ay wateen saraakiil katirsan maamulka degmada Qoryooley ayaa waxaa qarax culus lagula eegtay xilli ay marayeen duleedka degmada.
Waxay ka yimaadeen magaalada Marko, iyagoo kusii jeeday Qoryooley, balse mar qura ayaa gaariga caasiga waxaa qabsaday qarax culus, xilli uu ku dhawaa halkii uu kusii jeeday.
Qaraxa ayaa aad u saameeyey gaariga, waxaana goobta ku dhaawacmey masuuliyiinta kala ah Gudoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley ahna madaxa Maaliyadda degmada oo magiciisa lagu soo koobay Laqamow, Taliyaha ciidamada PS-ta ee Qoryooley iyo taliyaha ciidamada degmadaas oo lagu magacaabo Cabdi Axmad.
Dhaawacyada saraakiishan ayaa kala duwan, waxaana jira kuwa ay xaaladooda halis tahay, iyadoona warar la helayo ay ku waramayaan iney waxyeello gaartay gaariga Cabdi bilaha oo ay saarneeyeen ciidamo katirsan Shisheeyaha Uganda.
Qaraxan waxyeellada dhaliyay ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan qarax midkan lamid ah oo ka dhacay duleedka Balcad lagu dilay masuuliyiin sar sare oo katirsan maamulka Hir Shabeelle.